Maxkamadda gobolka Sool ee fadhigeedu yahay Laascaanood oo fulisay xukun dil ah oo ay dhowaan ku ridday Mowliid Maxamed Jaamac
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Maxkamadda gobolka Sool ee fadhigeedu yahay Laascaanood ay maanta fulisay xukun dil ah oo ay dhowaan ku ridday Mowliid Maxamed Jaam.
Maxkamada ayaa ninkan ku heshay inuu 24-kii bishii hore Laascaanood ku dilay marxuum Maxamuud Cali Muuse oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka SSC Khaatumo.
Sidoo kale Goobta lagu toogtay ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda, maamulka degmada, ehellada labada dhinac iyo dadweyne la’isugu geeyay halkaasi.
Maxkamadda ayaa labo maalin ka hor Mowliid ku ridday xukun dil ah, waxaana maanta Isniin ah laga oofiyay xadkii qisaasta marxuum Maxamed Cali Muuse.
Xafiiska Wararka Muqdisho