September 14, 2025

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale  dhageysanaysa  dacwad loo heysto Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 6-dii bishii hore dil ku xukuntay Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo lagu eedeeyay gubashada xaaskiisii oo lagu magacaabo Luul Cabdulcasiis oo u geeriyootey dhawaac ka soo gaarey dabka.

Kiiska Luul Sheekh Cabdulcasiis oo ahayd hooyo uur leh ayay dad badan ka dhursugayeen xukunka Dilka ah ee Maxkamadda Gobolka Banaadir ay bishii hore ku riday Xukunka Dilka ah, balse waxay qaateen Rafcaan

Sidoo kale Luul – oo xaamilo ahayd – ayaa labadii February u geeriyootay dhaawaca gubasho dabayaaqadii January kasoo gaartay gurigii ay degganaayeen ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply