Meyd laga helay wabiga Thames ee London bishii hore ayaa la aaminsan yahay inuu yahay Samaria Ayanle sida ay sheegeen booliska.
Markii ugu dambeysay ee la arko Samaria waxaa lagu arkay muuqaal CCTV iyada oo joogto guryaha jaamacadda ee ku dhow Marble Arch 22 Febraayo.
Labo toddobaad ka hor, 22-kii Febraayo ayaa booliska waxaa soo wacay qof ka mid ah dadweynaha oo u sheegay in ay ku arkeen meyd meel u dhow wabiga xaafadda Putney.
Booliska waxay sheegeen in ay heleen meyd balse aysan jirin wa kale oo qofku watay.
Shan maalmood kaddib markii la sheegay in Samaria la la’yahay ayey boolisku bilaabeen in ay isku fiiriyaan meydka la helay iyo gabadha maqan. Shalay ayey sheegeen in ay aaminsan yihiin in qofka la helay uu yahay Samaria. Weli si rasmi ah looma cadeyn.
Geerida gabadhan ayaa ilaa hadda la ogeyn waxa keenay sida ay boolisku sheegeen.
Waxay ka mid aheyd ardayda jaamacadda SOAS ee London. Afhayeen u hadlay jaamacadda waxa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin in ay maqlaan in meydka la helay uu yahay Samaria oo dhiganeysay sanadkii koowaad jamacadda. Waxay baraneysay luuqaadda Japan, taariikh iyo Fanka
Xafiiska Wararka Muqdisho