September 18, 2024

Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in goor dhawayd halkaas la geeyay Meydka Cabdinasir Muuse Dahable, oo katirsanaa Shaqaalaha Hay’adda maamulka hawada ee dowladda Soomaaliya oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho.

Diyaarad ayaa looga qaaday Garoonka Muqdisho Meydka marxuum Cabdinasir Muuse, taasi oo geysay Hargeysa, waxaana Maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley, sida ay sheegeen qaar kamid ah Eheladiisa.

Allaha u naxariistee Cabdinasir Muuse ayaa maalmo kahor meydkiisa laga helay gurigii uu ka daganaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo lagu dilay, isagoona la tilmaamay inay jirkiisa ka muuqdeen xilligii loo tagayay jirdilo.

Sidoo kale Booliiska Soomaaliya oo war kasoo saartay geerida sarkaalkan ayaa sheegay in Lix Eedeysane loo soo xiray dilka Marxuum Cabdinaasir Muuse oo 32-jir ahaa, Cabdinaasir ayaa kamid ahaa Shaqaalaha Hay’adda maamulka hawada ee dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply