October 10, 2024

Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha sare oo ka tirsan mucaaradka Itoobiya kana soo jeeda gobolka Oromia oo lagu magacaabi jiray Bate Urgessa ayaa meydkiisa la helay Arbacadii, isaga oo la toogtay, saacado kadib markii ay xireen ciidamada dowladda Itoobiya, waxaa sidaas sheegay xisbigiisa.

Sidoo kale, Bate Urgessa, oo ka tirsanaa xisbiga Jabhadda Xoreynta Oromia (OLF), ayaa bishii ee March lagu sii daayey damaanad kadib markii lala xiray saxafi u dhashay Faransiiska Antoine Galindo.

41-jirkan ayaa waxaa mar kale goor dambe oo Talaadadii ah xiray “ciidamo hubaysan oo kuwa dowladda ah,” isagoo ku sugan hoteel ku yaalla magaalada Meki, oo 150 km u jirta koonfurta caasimadda Addis Ababa, waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka OLF Lemi Gemechu.

“Kadib muddo kooban oo loo kaxeeyey xarun dadka lagu hayo oo ku taal magaalada Addis Ababa”

“Qoyksa Bate ayaa xaqiijiyey in meydkiisa laga helay waddo ku taalla meel lagu magacaabo Melissa, dhacda duleedka magaalada Meki,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in la toogtay.

Dhanka kale, afhayeenka oo hadalkiisa sii wataa ayaa sheegay in meydka la helay subaxii Arbacada, isagoona xusay inaysan sheegi karin in ciidamada xiray Bate ay ka tirsanaayeen ciidamada federaalka ama kuwa dowladda gobolka.

Weli ma jiro war kasoo baxay dowladda federaalka ee Itoobiya, hase yeeshee mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay inaan la aqbali karin isku dayga loogu eedeynayo khaarajinta Bate.

Maamulka Gobolka Oromia oo bartooda Facebook qoraal soo dhigay ayaa si adag u cambaareyay dilka Bate Urgessa, iyagoona sheegay in ay dileen Bate qolo aan heybtooda lagaraneynin.

Ururka OLF, oo isu arka inii yahay codka shacabka Oromada, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay ka war heleen geerida ayna tahay xanuun iyo murugo aad u daran.

“Dilka aan loo meel dayin ee sharci-darrada ah ee ka dhanka ah kuwa ugu firfircoon siyaasadda iyo dhaqanka Oromada waa fal qorsheysan oo mas’uuliyad-darro ah oo lagu aamusinayo Oromada, soona socday sannado iyo tobaneeyo sano,” ayuu lagu yiri bayaan kasoo.baxay Ururka OLF.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC) — oo ah guddi madax-banaan kuna xiran dowladda — ayaa Arbacadii ugu baaqay dowladda dhexe iyo tan gobolka inay baaritaan deg deg iyo dhex-dhexaad ah oo buuxa ku sameeyaan dilka Bate.

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply