November 12, 2024

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay tartan quraan aqris ah waxaana lagudoon siiyay ardaydaas abaalmarino lacageed.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo khudbad ka jeediyay xiritaanka tartanka sanadlaha ah ee Qur’aanka Kariimka ayaa ka warbixiyay qabsoomida barnaamijkaasi wayn.

Roobow ayaa sheegay in tartankan ay ka qayb-galeen inta badan maamul goboleedyada dalka, marka laga reebo Somaliland iyo Puntand.

Sidoo kale Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in labadaas maamul ay reebtay tabartooda, ayna u suurageli waysay inay kasoo qayb-galaan tartanka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa faah-faahin ka bixiyay marxaladihii uu soo maray tartanka oo uu xalay madaxweynaha ku abaal-mariyay illaa 7 arday.

1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.
2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.
3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.
4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.
5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.
6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.
7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.

Sanad kasto marka laga gaaro bisha Ramadaan ayay dowladda dhexe qabataa tartanka Qur’aanka Kariimka, waxaana soo qaban qaabiso Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply