Golaha wakiilada Somaliland horyaala miisaaniyadda qaranka oo ay ahayd in ay shaqayso bishii koowaad ee sannadkanba.
Golahan oo isagu ansixiyay miisaaniyaddan bishan aynu ku jirno saddexdeedii ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dib ugu soo celiyay golaha wakiilada, isaga oo ku sababeyay in goluhu awood aanu u lahayn wax ka badelka miisaaniyadii dawladdu soo diyaarisay.
Qodobo dhowr ah ayaa madaxweyne Biixi uu ku sababeeyay ujeedada uu golaha wakiilada ugu celiyay miisaaniyaddii ay soo ansixiyeen.
Sidoo kale Madaxweeynaha oo bartamahii bishan dib ugu celiya Golaha Wakiilada miisaaniyadaas, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in xukuumaddu ay tahay midda awoodda sharciyeed u leh dejinta iyo ogolaanshaha ujeedooyinka barnaamijyada dawladda iyo waxyaabaha mudnaanta miisaayada dawladda la siinayo.
Xafiiska Wararka Muqdisho