February 15, 2025

Wararka ka imaanaya Dalka maraykanka ayaa sheegaya in Nin afduubtay wadaad caan ka dhex ahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ayaa lagu xukumay in uu xabsi ku qaato cimrigiisa inta ka dhiman.

Dilaaga oo lagu magacaabo John Wooden Jr. oo 48 sano jir ah ayaa sidoo kale laga mamnuucay in ay aan cafislagu siideyn karin muddo 73 sano ah, ka dib markii lagu helay dhammaan dambiyadii loo haystay.

Sidoo kale Guddi xeerbeegti ah oo Khamiistii la soo dhaafay fariistay maxakamad cabshooyinka guud dhegeysata oo ku taal degmada Franklin ee magaalada Columbus ayaa Mr. Wooden ku helay in uu afduubtay, dhacay ka dibna diley Marxuum Maxamed Xasan Adam bishii Disember 2021.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply