October 10, 2024

 

 

Wararka ka imaanaya degmada Galdogob ee gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegaya in nin hubeysan uu dad ku laayay halkaas.

Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa askari ka tirsanaa ciidamada booliska oo ku sugnaa Kastamka Tuur-dibi iyo Aabbe iyo wiil uu dhalay oo ku sugnaa xaafad ka tirsan magaaladaasi.

Wararka hor dhac ah ayaa sheegaya in Ninka dilka geystay isna lagu dilay goobta kadib markii uu isku dayay in uu ka baxsado halkaas.

Sidoo kale Waxa jira qof kale oo shacab ah oo ku dhaawacmay falkaasi, mana jiro ilaa hadda war ka soo baxay laamaha amniga ee Puntland.

 

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply