April 25, 2025

Nin Mareykankan u jaajuusi jiray ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, kaddib markii lagu helay inuu ka dambeeyay dilkii madaxweynihii hore ee Haiti Jovenel Moise.

Xukunkan ayaa imaanaya labo bilood ka dib markii Joseph Vincent, oo 58 jir ah oo Haiti-Mareykan ah, uu qirtay dambiga ah inuu ka qeyb qaatay shirqoolka lagu dilay madaxweynihii geeriyooday.

Ka hor inta aan lagu xukumin maxkamada Miami, wuxuu u sheegay garsooraha: “Fadlan iga cafi wixii aan sameeyay.” Madaxweyne Moise ayaa lagu toogtay oo lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Port-au-Prince sannadkii 2021-kii.

Vincent, oo u shaqaynayey Maamulka Xoojinta Maandooriyaha ee Maraykanka, waa qofkii afraad ee kamid ah 11 eedaysane oo lagu xukumo xabsi daa’in.

Office Nairobi Kenya

 

 

 

Leave a Reply