December 4, 2024

 

Degmada Wanla-Weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose maanta oo Isniin ah waxaa ka dhacay fal argagax leh ka dib markii nin xaaskiisa uu ku dilay degmadaas sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Marxuumadda oo lagu magacaabo Seynab Xuseen ayaa u dhashay ninka  toogtay afar carruur ah, hase ahaatee mar hore ayaa la sheegay in ay kala tageen oo uu furay.

Dilka haweeneyda ayaa ka dhacay suuqa degmada Wanla-Weyn taasoo argagax weyn ku abuurtay dadweynaha ku sugnaa suuqa.

Goobta uu dilka ka dhacay oo ay soo gareen ciidanka amniga degmada Wanla-Weyn ayaa sababtay in isagana goobta lagu toogto ka dib markii uu sameeyay iska caabin.

Dhacdadan ka dhacday degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhalisay murugo iyo hadal heyn badan, waxa ayna dadka aad uga naxeen carruurta mar qura waayay hooyadood iyo aabahood.

Dilalka ka dhax dhacaya qoysaska Soomaaliyeed dhaxdooda ayaa muddooyinkan dambe si weyn ugu soo badanaya gudaha Soomaaliya, waxa ayna dhacdooyinkan noqdeen kuwa argagax badan ka dhax abuuray bulshada Soomaalieed dhaxdooda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply