January 25, 2025

O.J. Simpson, oo ahaa jilaa caan ah oo Mareykan ah, sidoo kalana ka mid ahaa xiddigihi xariifka ku ahaa ciyaaraha kibbada gacmaha iyo lugaha lagu ciyaaro ee Mareykanka ee Football ama NFL, ayaa maanta lagu dhawaaqay in Arbacadi uu geeriyooday isaga oo ay da’diisu aheyd 76 jir.

Simpson, oo ahaa laacib iyo jilaa caan ah, ayaa si aada dunida daafaheeda ugu sii caan baxay kiis warbaahinta Mareykanka iyo tan caalamka qabsaday sannadki 1994-ki, kaddib marki lagu eedeeyay dilka xaaskiisii hore Iyo nin ay saaxibbo ahaayeen gabadha.

Nicole Brown Simpson iyo saaxibkeed Ronald Goldman ayaa meydkooda laga helay gurigiisii hore ee magaalada Los Angeles iyaga oo meyd ah isla markaana ay ka muuqdeen dhaawacyo toorreey.

Guddi Simpson, oo lagu eedeeyay dilkaasi ayay guddi xeer-beegti ah danbi ku waayeen, bilooyin maxkamadeyn si toos ah shaashadaha caalamka looga daawaday kana dhacday magaalada Los Angeles. Maxkamadeynyaas ayaa xilligaasi loogu yeeray tii qarniga.

Inkasta oo uu xabsi ka fakaday haddana Simpson ayaa sannadki 2008-di lagu xakumay 9 sannadood, kaddib marki maxkamadda Nevada ku heshay 12 dacwadood oo isugu jiray dhac iyo afduub ka dhacay hotel ku yaalla Las Vegas.

Simpson ayaa ka mid ahaa laacibiintii ciyaataha kuabbadda Mareykanka ee sannadihii 1960-maadki ilaa 70-aadki. Kadib wuxuu u wareegay qeybta jilliinka isaga oo sameeyay aflaan iyo musalsalaat caan ka noqday Mareykanka.

Simpson ayaa lagu xasuusan doonaa mid ka mid ah shakhsiyaadki bulshada madow ee Mareykanka ugu caansanaa ee qarnigi tagay iyo qarnigaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply