Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Saaka ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana lasoo sheegayaa inuu khasaare ka dhashay Qaraxaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Qarax lala-beegsaday sarkaal ka tirsan Booliska Puntland, kaasi oo dhaawacmay, sida ay sheegayaan wararka.
Sidoo kale Taliyaha saldhiga degmada Carmo, Axmed Koboc iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ayaana ku dhaawacmay qaraxaasi, kaasi oo la gula eegtey X-kaantarool ee magaalada Boosaaso.
Sarkaalka la beegsaday iyo Ciidamo uu watay ayaa kusii jeeday Boosaaso, waxaana Qaraxaasi uu dhacay, xilli uu sii geleyey magaalada oo ammaankeeda dowladda lagu dhaliilayo.
Office Nairobi Kenya