Waxaa soo kordhaya Qasaaraha ka dhashay Qarax ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay Muqdisho xilli ay magaalada ka socotay ciyaar kubadda cagta ah oo u dhaxaysay gobollada Banaadir iyo Gamudug.
Warar hor dhac ah aayaa sheegayay in Qaraxan uu ku dhintay qofkii is maadimiyay oo kaliya, balse waxaa la sheegay in dhimashada ay gaarayso 2 qof.
Booliiska ayaa sheegay in qofkaasi uu isku qarxiyey goob shidaal xilli ay ciidamada amnigu cayrsanayeen.
Sidoo kale Qaraxa waxa uu ka dhacay agagaarka nawaaxiga isgoyska Cali Kamiin ee Muqdisho, oo u dhow garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium.
.
Office Nairobi Kenya