September 12, 2024

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo maanta Al-Shabaab lagula weegtay deegaanka Daaru-Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe xilli ay weerareen saldhig ku yaalLa halkaas.

Fariisinta ciidan ee la wareeray ayaa waxaa deganaa ciidamo ka tirsan dowladda ee qeybta ka ah gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta dhacday kadib weerarka ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka ee saaxibada caalamiga ah oo hawada ka taageeray ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka aroortii hore ay Al-Shabaab kusoo qaadeen weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaankaasi.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyntan kooxda lagu gaarsiiyay khasaare culus, dib looga celiyay aagga deegaanka Daaru-Nimca,

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply