November 9, 2024

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay kadib Markii uu dib u qarxay dagaal beelo walaalo ah oo halkaas wada dagan.

Laamaha amaanka ee K/galbeedc ayaa heegan buuxa la galiyay si looga jawaabo colaada qabaa’ilka ee soo cusboonaatay, kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo dad badan oo gurmad caafimaad u baahan.

Dagaal beeleedyada ka dhacay gobolka ayaa soo jiitamayay khilaafyo soo noqnoqday, taasoo uga sii dartay xaaladdii markii horeba kacsanayd.

Sidoo kale Isku hub urursi ayaa la sheegayaa inay ka jiraan deegaannada ay colaadda ka taagan tahay, waxaana wararka qaarkood ay tibaaxayaan in labada dhinac ay soo gaarayaan Malleeshiyooyin gacan ku siiya dagaalka u dhexeeya, iyadoo taasina ay si weyn uga niyad xumaadeed dadka deegaanka lagu dagaalamayo ku nool.

Dhinaca Dadka deegaanka ayaa sugaya xalinta iyo xasilloonida colaadda socota, waxaana la sheegay in ay ku baxeen wax garad ka yimid magaalada Baydhabo

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply