Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo xalay waqti danbe ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan uu ahaa miino waxaana lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku socdaalayay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Qaraxan uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay halkaasi, lamina oga qasaaraha ka dhashay Qaraxaas..
Sidoo kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan waxayna warbaahinta Al-shabaab sheegeen y in qaraxaas ay ku dishay saddex askari, ayna ku dhaawacday 4 kale, sida ay hadalka u dhigtay.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inuu gebi gubtay gaarigii ay la socdeen ciidamadaas oo noociisa uu ahaa Cabdi Bile.
Sidoo kale ma jirto Warar madax banana oo arintaas xaqiijinaya, mana jirto war ka soo baxay Saraakiisha amaan ee Ciidamada Dowlada.
Xafiiska Wararka Muqdisho