Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Qaraxaan lala beegsaday xero ay leeyihiin ciidamada ATMIS, balsw ay xiligaas ku sugnaayeen saraakiisha amniga degmada iyo ciidamada booliska.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramagaa inuu ka dhex dhacay gudaha xerada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan laba askari, oo midkood ahaa taliye Unug magaciisa lagu soo koobay Sandheere, halka ay ku dhaawacmeen saraakiil iyo askar kale oo goobta joogay.
Sidoo kale Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah taliyaha booliska Qoryooley Cali Waal iyo Cabdikariin Cadow oo ah taliyihii hore Nabad-sugidda ee degmadaasi.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan loo adeegsaday qaraxa miino, waxayna sheegtay inay ku dishay saraakiil iyo askar badan, sida ay hadalka u dhigtay.
Xafiiska Wararka Muqdisho