December 4, 2024

R/Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netenyahu ayaa haatan wajahaaya culeys xooggan oo ugu imaanaya waddamada caalamka iyo hay’addaha xuquuqda aadanaha udooda, kadib markii ay Israa’iil ay kordhisay xasuuqa ay kuheyso shacabka reer falastiin iyo hay’addaha ka shaqeeya gar-gaarka bani’aadanimo.

Dhibaatada ay Israa’iil kageysatay dhulka reer Falastiin gaar ahaan magaalada Gaza ayaa ah midan qarsooneyn waxaana saacad kasta ay Israa’iil kageysataa Gaza xasuuq ba’an waxaana sitoos ah ubaahiya Tilifishinka Aljazeera oo laga leeyahay dalka Qatar.

R/Wasaare Benjamin Netenyahu ayaa shaaca kaqaaday in uu albaabada isugu dhufan doono Xafiiska Tilifishinka Aljazeera,wuxuuna ugu dan leeyahay in lawaayo TV awood uyeesho baahinta wararka laxiriira Falastiin.

Benjamin Netenyahu ayaa shaaca kaqaaday in la raacaayo sharci cusub oo ay soo saartay Israa’iil kaas oo xukuumadda awood usiinaayo in ay talaabo kaqaado hay’addaha Warbaahineed ee Ajnebiga oo halis ku ah amniga qaranka ee dalkaasi.

Ugudambeyn, Israa’iil ayaa dhowrjeer ku fashilantay in ay xirto Telefishinka Al Jazeera xaruntiisa Israa’iil, waxa ayna ciidamada Israa’iil marar badan gudaha Falastiin ku dileen wariyaal, muuqaal duubayaal iyo shaqaale kale oo katirsan Telefishinka caalamiga ah ee Al Jazeera.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply