April 27, 2024

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Saalax Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mudane Mike Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa Danjiraha la wadaagay qorshaha Xukuumadda ee howlgallada looga ciribtirayo Khawaarijta goobaha ay dalka kaga sugan yihiin, dardar-galinta barnaamijka xasillinta deegaannada la xoreeyey iyo hirgalinta mashriicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, gargaarka iyo amniga.

Sidoo kale Danjiraha ayaa soo dhaweeyey guulaha laga gaaray ciribtirka kooxaha argagixisada ah, isla markaana ay UK sii wadi doonto taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga horumarinta iyo gargaarka bani’aadantinimo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply