Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa dhagax-dhigay dhismaha xarunta Laanta socotada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo laga hirgaliyey Muqdisho.

 

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in xaruntan ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u qaban jirtay hawlo muhiim ah oo ay kamid yihiin dhinacyada wacyi galinta, iska warqabka ciidanka, ka hortaga rabshadaha iyo howlagallada deg-deg ah, iyada oo hadana dib u dhis balaadhan lagu samayn doono, si ay kor ugu qaado shaqada Laanta socotada ee Ciidanka Booliska.

Sidoo kale Dhagax dhigan ayaa waxa Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ku wehelinaayey Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply