Saraakiisha iyo ciidamada la socda markabka dagaal ee shalay ku xirtay dekadda Muqdisho ayaa xalay ku hoyday magaalada Muqdisho, waxana qaar kamid ah casho sharaf loogu sameeyay xalay  hoteelka  Dikaale oo ku yaala Xeebta Liido.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa si maamuus leh u qaabilay saraakiisha markabka la socota iyo xubno ka tirsan safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo ka qaybgalay casho sharafta.

Ra’isul Wasaare Xamse ayaa ku sheegay tagista markabka dagaal ee Turkiga ee Muqdisho dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa xiriirka labada wadan.

Sidoo kale Madaxda Dawladda ayaa ku tilmaamay tagista markabkan ee Muqdisho mid qayb ka ah heshiis kii dhawaan labada wadan gaareen.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply