Rasaas xooggan ayaa ka dhacday dhowr goobood oo ka tirsan caasimadda Chad ee N’djamena, oo ay ku jirto bannaanka xafiisyada xisbi mucaarad ah.

Arrintan ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii lagu dhawaaqay in doorashada la qaban doono bisha May.

Dowladda Chad iyo mucaaradka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxa ka dambeeya rabshadaha.

Wasiirka Isgaarsiinta ayaa sheegay in Xisbiga PSF ay weerareen Xarunta Hay’adda Nabad Sugida Qaranka.

Xisbiga PSF ayaa sheegay in saraakiishooda ay tageen dhismaha si ay u raadiyaan meydka xubin la qabtay kadibna la dilay.

Waxay sheegtay in askartu ay rasaas fureen. Xisbiga PSF waxaa madax ka ah Yaya Dillo oo ah nin aad u dhaleeceeya oo ay ilmo adeer yihiin madaxweyne General Mahamat Deby.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply