Qaraarkii qabyada ahaa ee Maraykanku wuu fashilmay. 11 xubnood ayaa ogolaatay, saddex ayaa diiday, halna wuu ka aamusay.
Ruushka iyo Shiinaha ayaa diidmada qayaxan ku diiday qaraarkii qabyada ahaa ee ku xidhay xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Qasa; sii deynta la haystayaasha gacanta ugu jiea xamaas.
Aljeeriya ayaa sidoo kale u codaysay qabyo qoraalka, Guyana way ka aamustay.
Sida aaan hore u tabinay Maraykanka ayaa soo jeediyey qabya qoraal xabbad joojineed oo deg deg ah taas oo badashay mowqifkiisii hore ee ka caga jiidka xabbad joojin kaamil ah.
Tani waxay noqonaysaa markii u horaysay ee Maraykanku oggolaado xabbad joojin degdeg ahee ay diidmada qayaxan ku diidaan Ruushka iyo shiinuhu.
BBC
Xafiiska Wararka Muqdisho