January 14, 2025

Ruushka ayaa sii kordhinaya saameynta milatari ay ku yeelanayo qaar kamid ah waddamada Afrika, waxaana saameyntaasi ka walaacsan Mareykanka oo cadaawad kala dhaxeyso Ruushka.

Sidoo kale, macalimiin iyo khubaro katirsan milatariga Ruusnhka ayaa gaaray dalka ku yaalla galbeedka Afrika ee Niger, Ruushka ayaana dalkaasi geeyay qalab milatari oo casri ah uu ku taageerayo ciidamada Niger.

Dhanka kale, milatariga talada Niger la wareegay ayaa bishii Janaayo oggolaaday inay xoojiso iskaashiga militari ee ay la leedahay Ruushka, ka dib markii ay eriday ciidamada Faransiiska ee gacan ka siinaayay dagaalka ka dhanka ah fallaagada Xagjirka ah ee gobolka Saaxil.

Ruushka ayaana ka caawinaya dowladda Nigerr hannaanka difaaca hawada ee dalkaasi, waxa uu sidoo kale Ruushka dalkaasi ugu deeqay qalab casri ah iyo hub kala duwan oo nuuca difaaca ah.

Ugudambeyn, dowladda Mareykanka ayaana si xooggan uga walaacsan xiriirka iyo saameynta xooggan uu Ruushka la yeelanayo qaar kamid ah waddamada Afrika, waxaana uu Mareykanka ka cabsi qabaa in Ruushka saldhigyo waa weyn ka sameesto qaar kamid ah waddamada Afrika.

Xafiisska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply