January 14, 2025

Rehan Jayawickreme oo ah siyaasi da’yar oo matala xisbiga mucaaradka ee ugu caansan Sri Lanka, ayaa 13-kii April ku dhawaaqay arrin la yaab leh.

“Waxaan aaminsanahay diinta ‘Budhist’ waxaanna isku dayaa in aan ayido falsafada diinteyda ay i fareyso,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

“Waxaan si xiiso leh u rajaynayaa walaalahayga Muslimiinta ah in aan la soomo bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxayna ii noqoneysaa marki iigu horreysaye iigu hambalyeeya”.

Ninkan ayaa ah guddoomiyaha golaha magaalada Koonfurta Sri Lanka ku taalla ee Weligama. Wuxuu sheegay in tan iyo bilowgii bisha Soon in uu iska gooyay cunnada iyo cabitaanka.

Sannadkan, Muslimiinta Sri Lanka ee laga tirada badan yahay waxay billaabeen inay soonkooda sannadlaha ah la soomaan bulshooyinka Sinhala iyo Tamil.

Balse shacabka Sri Lanka oo diimo kala duwan aaminsan, ayaa aad uga argagaxay weerar ay mintidiin Muslimiin ah ku qaadeen kaniisad ku taalla dalkaas, laba sana ka hor, ayna ku dileen 270 qof.

Siyaasigan aaminsan diinta Budhist wuxuu sheegay in go’aanka uu qaatay ee ah inuu soomo bisha barakeysan ee Ramadaan, uu uga gol leeyahay inuu wax ka bedelo aragtida khaldan ee muslimiinta laga qaatay weerarka kaniisadda loo geystay ka dib.

Rehaan Jayawickreme farriinta uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay waxaa ka falceliyay dad aad u badan iyaga oo go’aanka siyaasiga soo dhaweeyey. Dhankiisa wuxuu sheegay in qof aan Muslim ahayn uu soomo bisha Ramadan in uusan isaga uga horreynin oo ay dad badan uga horreeyeen.

Marianne David, oo ah wariye ka howlgasha caasimadda Sri Lanka ee Colombo, waxay iyaduna ka dhawaajisay in ay sooman tahay, iyada oo aan muslim ahayn in mudda ah inay Ramadanka soo soomeysay.

“Waxaan aaminsanahay madhabta Katolic, balse bisha Ramadan waan soomaa. Soonkana waxaad ku yeelaneysaa nadaafad, wacyi wanaagsan, damqasho iyo anshax. Nasiib wacan!” ayey tiri.

Anuradha K Herath, oo ah agaasimaha guud ee waaxda arrimaha dibadda ee xafiiska Raa’isal wasaaraha, waxay sheegtay inay iyaduna bisha Ramadhaan Soonto.

“Xilliga aan dhiganayey jaamacadda Moratuwa, waa soomi jiray,” ayey ku qortay barteeda Twitter-ka.

“Saaxiibtey Sifaan ayaa xilliga suxuurta i toosiso si aan wax u cuno, sidoo kale xilliyada fiidki ee aan casharka jaamacadda ku jiranan waxay ila wadaagi jirtay cuntooyin aan ku afurno. Waxay ila tahay waa waaya aragnimo aad u wanaagsan.”

Ka hortagga cunsuriyadda

“Waxay ila tahay, waxaan u soomayo inay tahay sidii aan u muujin lahaa in aan ka soo horjeedo cunsuriyadda qofka diintiisa looga geysto. Balse taa kama dhigno in aan diinta Islaamka qaatay, ficilkaasina waa mid aan cunsuriyadda uga soo horjeedo”, ayuu yiri Rehan Jayawickreme.

Wuxuuna BBC u sheegay in Muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalka Sri Lanka, la cunsuriyeeyo wixi ka dambeeyey weerarki lagu qaaday kaniisad ay ku sugnaayeen dad u dabaaldegayay ciidda Easter.

Ku dhawaad, boqolkiiba 75% shacabaka ku nool dalka Sri Lanka ayaa haystaan diinta Budhist. Halka tirada soo hartay ay aaminsan yihiin diimaha Islaam, Hindu iyo Catolic.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply