September 12, 2024

Wararka ka imaanaya dalka Norway ee Yurub ayaa sheegaya in Salwan Momika oo ah nin kasoo jeeda asal ahaan dalka Ciraaq oo ahaa shaqsigii sanadkii hore ku gubay Kitaabka Quraanka Dalka Sweden la helay maydkiisa.

\Ninkan ayaa markii uu dhawaan isaga tagay dalkii uu dhalashada ka waayay ee Sweden ee uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa u guuray Norway si uu uga helo dib u dajin iyo sharci.

Sheekadaan oo ahayd mar qarsoonayd waxaa bannaanka soo dhigay qaar kamid ah warbaahinta iyo suxufiyiin si wayn looga yaqaan dalalka Carabta, iyaga oo sheegay in ay xogtaan kasoo xigtay saraakiil katirsan ciidamada booliska Norway.

Salwan ayaa dhawaan si qarsoodi ah isaga tagay Sweden maadaama uu cadaadis xooggan uu ka dareemay dalkaasi, isaggoo ka go’ayna madalaha bulshada sabab la xiriirta in uu aad uga cabsi qabay in la dilo ama dhibaato kale loo gaysto.

Sidoo kale Ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dowladaha Norway iyo Sweden oo ay uga hadlayaan arrintaan. Dowlada Ciraaq ayaa horay u dalbatay in loo soo gacan-geliyo ninkaan ku xad-gudbay Kalaamka Alle kaddib kolkii uu gubay.

Xafiiska wararka Muqdisho

Leave a Reply