Adeegga isbeddelka cimilada ee Midowga Yurub, Copernicus, ayaa xaqiijiyay in sannadkii aan kasoo gudubnay ee 2023 uu ahaa sannadkii ugu kululaa ee abid la diiwaan geliyo.
Ku dhawaad kala badh sanadka, celceliska heerkulka maalinlaha ahi wuxuu ka badnaa hal-dhibic-shan darajo oo Celsius oo ka sarreeya heerarkii la diiwaan galiyey ka hor sare u kaca warshadaha caalamka.
Heshiiska cimilada ee Paris ayaa ujeedadiisu ahayd in la xaddido kulaylka caalamiga ah.
Xafiiska saadaasha hawada ee UK, ayaa sheegay in ay u badan tahay in sanadkani uu kasii kululaan doono kii tagay.
Waxaa la wada ogsoon yahay in dunidu ay hadda aad uga sii kululaatay marka la barbardhigo 100 sano ka hor, iyadoo bini’aadamku ay sii daayaan tirada ugu badan ee gaasaska loo yaqaan Greenhouse-ka gases sida kaarboon laba-ogsaydh-ka hawada ku jira.
Laakiin 12 bilood ka hor, ma jirin hay’ad cilmiyeed oo weyn oo dhab ahaantii saadaalisay 2023 inuu yahay sanadka ugu kulul ee la diiwaan geliyo, sababtuna waxay tahay habka adag ee ay u dhaqanto cimilada dhulku.
Dhowrkii bilood ee ugu horreeyay sanadka, kaliya tiro yar oo maalmo ah ayaa jabiyay diiwaannada heerkulka hawada.
Laakiin dunidu markaa waxay ku socotay heer cajiib ah, oo ku dhawaa in uu jabiyo heerka maalinlaha ah ee qeybtii labaad ee sannadkii tagay.
In ka badan 200 oo maalmood waxay la kulmeen heerkulka heer cusub oo caalami ah maalintiiba wakhtiga sanadka, sida lagu sheegay falanqaynta BBC-da ee xogta Adeegga Isbeddelka Cimilada ee Copernicus.
Kor u kaca heerkulku waxa uu inta badan ku xidhan yahay sida degdega ah ee ay isu badalayaan xaaladaha El Niño, taas oo ka dhalatay kulaylka muddada dheer ee bini’aadamku sababay.
El Niño waa dhacdo dabiici ah halkaas oo biyaha sare ee kuleylka ah ee Bariga Badweynta Baasifigga ay sii daayaan kulayl dheeraad ah jawiga.
Office Nairobi Kenya