September 12, 2024

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqayn ay Diyaaradaha taageera Dowlada dhexe ee Somaliya ka geesteen Duleedka  degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Dhowr maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka Baraag Garguurte oo ka mid ah tuulooyinka ku dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Deegaanka la duqeeyay ayaa qiyaastii 20 KM u jira degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Dowladda dhexe ee Somaliya ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ay maalmihii la soo dhaafay la beegsaday goobo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Dowladdu ma aysan cayimin tirada maleeshiyada lagu dilay duqeyntaasi, balse waxay xustay in kooxdaasi uu khasaare xooggan soo gaaray.

Weerarka ka dhacay Baraag Garguurte ayaa kusoo beegmaya iyadoo inta badan deegaanada koonfurta gobolka Mudug ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply