January 25, 2025

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya baaritaan ay wadaan Ciidamada amaanka kenya oo ku aadan in l;a waayay tan iyo wixii ka danbeeyay maalintii khamiista ahayd Wasiirkii hore Maamulka Jubaland Cabdirashiid Cabdi Nuur “Janan” oo lagu waayay magaalada Nairobi.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Janan la waayay 5 maalin ka hor, waxaana lagu waayay hotel uu ka daganaa magaalada Nairobi, waxaana Ciidamada amaanka Kenya ay sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan arintaas.

Janan markii uu ka tagay maamulka Jubaland waxaa u noqday siyaasi ka soo horjeedo maamulkaasi isago garab siyaasaded ka raadinayay  dalalka Kenya iyo Itoobiyo si Axmed Madoobe loga qaado kursiga.

Sidoo kale 2019 ayaa Janan Dowladii Farmaajo ku xirtay Muqdisho iyadoo ku eedeysay dambiyo kala duwan laakin waa uu ka baxsday markii danbe xabsiga dadkii fududeyayna baxasashadiisa waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynaha PL Deni.

Walaac badan ayay ka muujinayaan ehelada Cabdirashiid maqanashiisa ilaa hadda, magaalada Nairobi ayaa waayadii danbe afduubka nocaan ah lagu arkayay dadka la af-duubto ayaa ahaa kuwo la helo meydkooda iyo kuwana laga soo bad-baadiyay burcadda heysto.

 

.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply