March 17, 2025

Kormeere koowaad oo ka tirsanaa ciidanka Dowladda Hoose ee Afgooye, Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Al Shabaab, gaar ahaan qeybta istidlaaca (Jaajuusnimo), isagoo xogaha saraakiisha, shaqaallaha iyo maamulka degmadaasi u gudbin jiray kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay eedeynta maxkamadda ciidamada, wuxuu Daahir xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay maamulka degmadda Afgooye, ciidannimadana waxa uu qortay sannadkii 2005, isagoo Al-Shabaab ku biiray 2017.

“Wuxuu la shaqeyn jiray madaxii amniyaadka Gobolka Shabeellaha Hoose oo magaciisa afgarashada uu yahay Abtiga, kaasi oo markii hore ku tashkiiliyey kamid ahaanshiyaha maleeshiyada, is-faham kadibna waxaa lagu soo xiray labo dhagarqabe oo amniyaadka kooxda u jooga Afgooye ka mid ah,” ayaa lagu yiri eedeynta.

Shirqool

Waxaa lagu eedeeyay in uu si joogto ah Al-Shabaab ugu gudbin jiray xogaha iyo dhaqdhaqaaqyada maamulka iyo saraakiisha amniga degmadda Afgooye, waxaana uu ka qeyb ka ahaa shirqool lagu dilay guddoomiye ku xiggeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil August 2022, dilkaasna waxaa kala shaqeeyey nin lagu magacaabo Yaasir Jiis oo hadda ah horjoogaha guud ee ee maleeshiyada ku dhuumaalaysata gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage mar uu kormeer shaqo ku tagey xerooyinka ciidanka xoogga ay ku leeyihiin Afgooye, ayuu xogo ku saabsan kormeerkiisa la wadaagay Al Shabaab.

Waxaa lasoo xiray 15 October ee sannadkii 2023 ku qabtay gudaha degmadda Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday Todobadii bishaan.

Sidoo kale Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Kormeere Koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) 10 Sano oo xabsi ciidan ah

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply