November 6, 2024

Waxaa saacadihiii la soo dhaafay magaalada Muqdisho iyo baraha bulshada la hadal hayay dadaal iyo safari uu ku tagay Taliyaha Hay’adda NISA Mahad Salaad goobaha ay joogaan ciidanka amniga kula afuray goobaha ay ku howlgalayeen si ay u sugaan amniga Caasimada.

 

Taliyaha Hay’adda NISA Mahad Salaad  ayaa tagay goobo aad looga cabsan jiray  oo ahayd halbowle alshabaab u ahaa oo ay ka mid ahayd Xaafadda Shaleemo Cabdiwaayeel oo ay Masuuliyiintu kula afurayaan Geesiyaasha Ciidanka ammaanka.

Sidoo kale Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ciidanka amaanka ku amaanay kaalintooda sugida amniga.

Taliyaha Hay’adda NISA Mahad Salaad ayaa sanadkii la soo dhaafay waxa uu muqdisho ka sameeyay is badal dhinaca amniga ah taasi oo aad loogu amaanay.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply