April 27, 2024

 

Ugu yaraan lix qof oo shan ka mid ah ay u dhasheen dalka Shiinaha ayaa  lagu dilay qarax ismiidaamin ahaa, oo ka dhacay waqooyi galbeed Pakistan.

Ismiidaamiyaha ayaa beegsaday gaari ay la socdeen dadkaasi, iyadoona uu weerarku ka dhacay waddada weyn ee Degmada Shangla ee Gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ismiidaamiyuhu uu la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, isla-markaana uu ku dhuftay gaarigii kale ee ay la socdeen dadkaasi.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in qofka 6aad ee qaraxa ku dhintay uu ahaa darawalkii gaariga oo muwaadin Pakistani ah.

Muwaadiniinta Chinese-ka ayaa ahaa injineero ka shaqeynayay dhismo biyo xireen, oo loo adeegsanayo biyaha laga dhaliyo tamarta korontada.

Biyo xireenka Dasu ayaa ah mashruuca ugu weyn ee tamarta laga dhaliyo ee dalka Pakistan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, balse waxaa lala xiriirinaya kooxaha gooni u goosadka ee Baluch, kuwaa oo horey u sheegtay weeraro noocan oo kale ah.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee muwaadiniin Chinese ah loogu gaysto meel ka baxsan dalkooda, dhowrkii sano ee ugu dambeysay.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply