Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in uu fashil ku dhamaaday kulan dhex maray Madaxweyne Xasan shekh iyo shekh shariif shekh axmed.
Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen wax garadka Besha Mudulood ayaa waxaa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed in uu ku soo dhamaaday fashil qoraal uu soo saaray Goor dhawayd .
Sheekh Shariif ayaa sheegay in wadahadalladan ay ku saabsanaayeen arrimaha dastuurka, siyaasadda, mustaqbalka dalka iyo khilaafka hadda ka dhex jiray dowladda federaalka iyo Puntland, waxaana uu sheegay inay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen.
Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka siyaasadda. Waxa uu madaxweynihii hore ka mid yahay siyaasiyiin kasoo horjeestay hannaankii dib u eegistii dastuurka.
Xafiisska Wararka Muqdisho