Sheekh Cali Wajiis oo ay isku hayn Yihiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan shekh maxamuud ayaa ku edeeyay maamulka Puntland ee uu Hogaamiyo Siciid Deni Qaran dumis oo gadaal ay ka Riixayso Dowlada Itobiya oo aan Rabin inay dagto Soomaaliya.
Sheekh Cali ayaa sheegay in wadankaan loo dhaariyey oo dadka Soomaaliyeed ee malaayiinta ah ay doorteen madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku taliyey in looga dambeeyo xukunka dalka.
“Hoggaanka umadda Soomaaliyeed ee sharciga ah waa Dr. Xasan Sheekh, cid ka hor imaa karta ma jirto, maamul goboleed, baarlamaan iyo xukuumad wax diidi kara amarkiisa ma jiraan, federaalku waa nidaamyada dowliga ah ee ugu casrisan caalamka, laakiin sida hadda aan u dhaqmeyno maaha federaal,” ayuu yiri Sheekh Cali.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka, ugu horeyn wuxuu ka digay in khilaafkaas la qabiileeyo, sidoo kale wuxuu Sheekh Cali ku taliyey in qof kasta dembiga uu geysto lagu xisaabo oo dad kale aan la garaafeyn.
Sheekh Cali Wajiis ayaa caan ku ah in mar kasta uu taageero madaxweynaha xukunka jooga, sidoo kale hadalkiisaan wuxuu ku soo aaday iyadoo Puntland ay sheegtay inay xiriirka u jartay dowladda federaalka.
Xafiiska Wararka Muqdisho