September 12, 2024

 

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Madaxweynah JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta ,Soogalootiga iyo xuquuqda carruurta, loogana hadlayay in siyaasad Qaran laga yeesho  yareynta Tahriibka iyo sidii dib loogu soo celi lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan wadamada Caalamka ee doonaya in ay dalka dib ugu soo laabtaan, waxaa ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha ay quseyso iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay shirka.

Egayga Madaxweynah Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Qaxootiga Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa masuuliyiinta sharka ka qeybgashay uga warbixisay waxyaabihii u soo qabsoomay Xafiiska iyo xog uruurintii uu sameeyay intii uu jiray ee ku aadan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Caalamka.

 

Intaasi kadib masuuliyiinta Wasiirada ah ee ka qeybgalay shirka ayaa dhankooda sheegay in muhiim ay tahay in la helo goobo Caafimaad oo  lagu baxnaaniyo dadka qaar ee dhibaatooyinku ka soo gaareen tahriibta iyo in  la helo qorshe dib u dejin loogu sameynayo dadkaasi.

Sidoo kale Egayga Madaxweynah Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Qaxootiga Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa tilmaamtay in muhiim ay tahay in qorshe Qaran laga yeesho Tahriibka madaama uu yahay dhibaatada ugu badan ee heysta dadka Soomaaliyeed

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

Leave a Reply