October 10, 2024

Diyaaradan oo sumadeedu ay tahay El Al Boeing 787-9, kana soo duushay Phuket ee dalka Thailand kuna wajahneedmagaalada Tel Aviv ee Israa’iil ayaa la sheegay in markii ay maraysay hawada Soomaaliyaay la kulantay khal-khal.

Shirkaddu El Al ayaa sheegtay in shil ku dhacay mid ka mid ah duullimaadyadeeda oo dul maraysay hawada Soomaaliya aysan ahayn arrin amni, isla markaana aan lagu bartilmaameedsaneyn shirkadda diyaaradaha ee Israa’iil.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Ynet, El Al waxaa khal-khal ku yimid raadiyaha diyaaradda, taas oo shirkaduu meesha ka saartay in falkaasi uu ahaa mid loola jeeday duulimaadkooda.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in arrintaan ay tahay waxyaabihii ay horey dowladda Soomaaliya uga digeysay ee dhinac hawada ah.

Sidoo kale Qoraalka ka soo baxay El Al ayaa lagu xusay in shilkaan aanu saameyn ku yeellan doonin duulimaadyada diyaaradaheeda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply