January 25, 2025

Matthew Sussex, oo khabiir ku ah Ruushka, isla markaana bare sare ka ah Jaamacadda Qaranka ee Australia, ayaa BBC News kala hadlay sababta ay Dawladda Islaamku u weerari doonto Ruushka – iyo waxa ay samayn doonto si ay uga jawaabto.

“Ruushku wuxuu leeyahay taariikh dheer oo uu kula dhaqmo dad badan oo ka mid ah dadka dhulkooda ee ee gaar ahaan muslimiinta ah,” ayuu u sheegay BBC.

“Laba dagaal ayaa jiray Jeyjiniya… kii labaad ee 1999 ilaa 2006 waxa uu ahaa dagaal xahgjirayn ah kaas oo ay ka dhasheen dad ka barbar dagaalama Daacish kana dhan dawladda Ruushka.

Tan iyo markaas, dhaq-dhaqaaqyada Ruushka ee Suuriya waxay ka dhigeen ‘Dawladda Islaamka’ in ay u aragto dawladda Ruushka khatarta koowaad.

Waxa uu sheegay in uu filayo in jawaabta Ruushka ee weerarkii Crocus Hall ay noqoto mid ka mid ah “kuwa ugu adag”, isaga oo tusaale u soo qaatay wixii ka dambeeyay go’doomintii tiyaatarka Moscow ee 2002 iyo 2004tii go’doominta dugsiga Beslan.

“Waxaa laga yaabaa in aysan aad muhiim u ahayn cidda qaaday weerarrada, laakiin cidda ay dawladda Ruushku go’aansato in ay ku eedayso iyo cidda ay uga jawaabayaan.”

Wuxuu sheegay in digniinta Mareykanka ee ku saabsan weerar suurtagal ah, oo la soo saaray 7-dii Maarso, ay Kremlin ula dhaqantay isku day lagu “faragelinayo” doorashadii guud ee dhowaan iyo arrimaheeda gudaha.

Xafiiska wararka Muqdisho

 

Leave a Reply