Sirdoonka Milateriga Ukraine ayaa soo bandhigay muuqaal u muuqda in uu muujinayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga leeyahay dalka Ukraine oo burburinaya markab Ruushku leeyahay oo ku jira Badda Madow.
Markabka weyn ee amphibious, oo lagu magacaabo Caesar Kunikov, ayaa ku degay xeebaha Crimea ee uu Ruushka qabsaday, sida ay sheegeen ciidamada qalabka sida ee Ukraine.
Qaraxyo xooggan ayaa la maqlay subaxnimadii Arbacada, sida lagu sheegay baraha bulshada, kuwaas oo soo jeedinayay in markabka lagu burburiyey meel aan ka fogeyn koonfurta magaalada Yalta.
Office Nairobi Kenya