Golaha fulinta ee Midowga Afrika ayaa isku raacay in Soomaaliya ay tahay musharrax kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka 2025-2026.
Soomaaliya ayaa noqoneysa dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharraxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn eeGolaha Ammaankaee Qaramada Midoobay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtayin ay diyaar u tahay inay hoggaamiyo ajendaha Afrika ee nabadda iyo amniga ee UNSC.
Soomaaliya ayaa kursigan u tartami doonta bartamaha sanadka 2024, inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kusimaha wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Maxamed Cumar Balcad ayaa sheegay in go’aankani uu yahay guul dalka usoo hoyatay.
1971-1972 ayaa Soomaaliya ugu dambaysay inayqeyb ka noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey
Office Nairobi Kenya