September 12, 2024

Sida ay qorayso wakaaladda wararka ee Reuters, Sacuudi Carabiya ayaa Mareykanka u sheegtay in aysan xiriir diblumaasiyadeed la furi doonin Israa’iil, haddii aan dal madax bannaan oo Falastiiniyiin ah laga aqoonsanin xudduudihii 1967-kii ee Bariga Quddus ay caasimad u tahay, sida ay Arbacadii sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Riyadh waxay ku celisay baaqeeda ku aaddan in ay aqoonsadaan xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee aan aqoonsanayn dawlad Falastiin ah oo ku taal xudduudaha 1967 ee Bariga Quddus in ay caasimad u tahay, ayaa lagu yidhi war ka soo baxay wasaaradda.

Waa arrin ku saabsan dawlad ay Falastiiniyiintu muddo dheer raadinayeen in ay Israa’iil ka garab dhistaan dhulal ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii 1967-kii: Daanta Galbeed oo ay ku jirto Bariga Quddus, iyo Marinka Qasa.

Warku waxa uu intaa ku daray in ay waajib tahay in sidoo kale la joojiyo gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Marinka Qasa, ciidamada Israa’iilna ay ka baxaan dhulkaas.

Maraykanku waxa uu bilo diblumaasiyadeed u horseeday in Sucuudigu uu caadi ka dhigo xidhiidhka uu la leeyahay Israa’iil oo uu aqoonsado dalkaas ilaa uu dagaalka Qasa ka bilaabmay bishii October, taas oo keentay in Riyadh ay arrintaa meesha ka saarto cadhada Carabta ee weerarka Israa’iil awgeed.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply