Wararka ka imaanaya saakay waxa magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in uu halkaas ku geeriyooday  Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo ahaa suldaanka beellaha Lixda Shiidle

Allaha u Naxariistee Suldaan Axmed Rashiid ayaa kamid ahaa odey dhaqameed kii ka qaybgalay shirkii Carta ee dib loogu yegleelay Dawladda Soomaaliya sanad kii 2000.

Sidoo  kale Suldaanka ayaa kaalin muuqata ku lahaa dadaallada dibu heshiisiinta ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya. Waxa kale oo uu qayb ka ahaa xulista xildhibaannada reer kiisa ku matala Barlamaanka Soomaaliya iyo kan gobolleedka Hirshabeelle, wuxuuna kamid ahaa 135-ta odey ee u diiwaan gashan Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Federaalka.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply