Taalo laga lahaa wadanka Masar oo jirtay muddo ka badan 300 oo sano ayaa dib loogu celiyay, kaddib markii la xaday 30 sano kahor, lana geeyay dalka dibaddiisa sida ay sheegeen maamulayaasha Masar.
Taaladan ayaa laga sawirray muuqaalka boqor Ramsis kii labaad ee Masaaridii hore, waana mid kamid ah madaxdii ugu awoodda badnaa ee soo mara Masar.
Taaladan laga sawirray boqor Ramsis kii labaad ayaa laga xaday magaalada Abydos, iyadoo laga qaaday matxaf halkaas ku yaala.
Madaxda Masar ayaa shaaca ka qaaday 2013 kii, xili lagu soo bandhigay carwo lagu qabtay magaalada London. Markaa dabadeed dhawr wadan ayaa la isaga kala gudbiyay, illaa markii dambe ay tagtay dalka Switzerland, markaas oo saraakiisha Switzerland kala shaqeeyeen Masaarida in dib loogu celiyo.
Wasaaradda Aathaarta ayaa sheegtay in Masaaridu caddeeyeen in ay iyagu xaq u leeyihiin, wadan koodana si sharci darro ah looga saaray.
Waxa lagu sameyn doonaa dib u dayactir, waxana la dhigi doonaa madxafka qaranka ee Qaahira.

BBC
Xafiiska Wararka Muqdisho