Dacwad-oogayaasha Spain ayaa doonaya in madaxii hore ee cayaaraha kubadda cagta dalkaas xabsi la dhigo labo sano iyo bar kadib markii uu iyadoo aan raalli ka ahayn dhunkaday gabar cayaartoy ah markii uu socday dabaaldegga Koobka Adduunka ee Spain ay ku guuleysatay.
Luis Rubiales ayaa wajahaya eedeymo la xiriira tacaddi jinsi iyo inuu xoog u adeegsado inuu qoorta kasoo qabto Jenni Hermoso uuna afka ka dhunkado, tanoo dhacday August.
Ms. Hermoso iyo saaxiibbadeed ayaa sheegay in dhunkashadu ay ahayd mid aan raalli laga ahayn oo sharaf dhac ahaa
Xafiiska Wararka Muqdisho