April 20, 2025

Taliska ciidanka boliiska oo shir jiraa’id qabtay galabta ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen shabakad katirsaneed Al-Shabaab oo dilalka kageysan jirtay gudaha Caasimada Muqdisho, kuwaas oo dilkii ugu dambeeyay ugeystay AUN Nabadoon Muuse Haaruun Aadan.

Taliska boliiska ayaa sheegay in ninkii dilka ugeystay AUN Nabadoon Muuse Haaruun Aadan gacanta lagu soo dhigay, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Cabduqaadir Maxamed oo soo qabashadiisa ay iska kaa shadeen laamaha ammaanka iyo dadka deegaanka.

, Shabakada gacanta lagu soo dhigay ayaa waxa ay ka koobnaayeen toddobo xubnood kuwaas oo marka ay dilka geystaan kubaxsan jiray Mooto Bajaaj, waxaan qeyb ka ahaa shabakadan ninkii dilka ugeystay AUN Nabadoon Muuse Haruun Aadan.

Sidoo kale Taliska boliiska ayaa Warbaahinta usheegay in ninka dilka ugeystay Nabadoon Muuse Haruun Aadan iyo shabakada kale ee dilalka kageysan jirtay gudaha Caasimada uu haatan baaritaano kusocdaan, waxaana loo gudbin doonaa maxkamad.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply