February 11, 2025

Taliska Booliska Soomaaliyeed  ayaa shaaciyey in la qabtay askari shalay  askari kale ku dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Askarigaan ayaa la sheegay in uu ku dilay askariga kale muaran ka dhashay halkaas, waxaana la sheegay in  inuu haatan xiran yahay, lana horgeynayo Cadaalada.

Dilka askariga ayaa waxaa ka carooday dadweyne fara badan oo dibed bax kooban oo rabshado watay ka dhigay agagaarka isbitaalka Banaadir.

Sidoo kale  askariga la dilay ayaa ilaalo ka ahaa Ceel ku yaalla xaafada dab damiska ee degmada Wadajir

 

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply