Xili saacado kooban ay ka dhiman tahay bilshada maalinta Ciida ayaa waxaa hay’addaha amaanka Soomaaliya ay soo saareen awaamiir kala hagaysa dadka iyo gaadiidka isticmaalaya Wadooyinka Muqdisho maalmaha Ciida.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadi doono talaabooyin ay ku sugayso , amniga caasimada inta lagu guda jiro maalmaha ciida ee dadku ay dabaal degayaan .
Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in waddooyinka muhiimka ay dhigi doonaan ciidamo dheeraad ah waxaana uu soo saaray digniino ku saabsan raacida gadiidka.
Waxa looga ogol leeyahay ayaa lagu sheegay qorshahan in si amni ah dadka ay ugu damaashadaan caasimadda iyaga aan dareemin wax ammaan darra ah.
Sidoo kale Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu xoojinayo ammaanka guud ee dalka gaar ahaan caasimadda.
Booliiska Soomaaliya ayaa digniin la xiriirta in ay la socdaan ubadkooda u Diray waalidiinta Soomaaliyeed, dadka qabta ambadka ama carruurta ka dhumaan ayaa lagu wargeliyay inay Talisku kala shaqayn doonno sidii loo helo lahaa ama loo wareejin lahaa.
Xafiiska wararka Muqdisho