Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa mar kale dalbaday in laga guuro dhulka Dabdamiska ee ku yaalla xaafadda Seybiyaano, gaar ahaan dhanka xigta degmada Wadajir, halkaas qoysaska degan ay si cadbu diideen inay ka guuraan.
Waa markii 3-aad oo booliska Soomaaliya uu dirayo digniin noocaan ah, si looga guuro dhulkii u ahaan jiray xerada gaadiidka Dabdamiska, halkaas oo in ka badan 30 sano deegaan u aheyd dad shacab ah.
Sida ku cad qoraalka soo baxay booliska Soomaaliya ayaa waqti kale u qabtay qoysaska degan xerada Dabdemiska Booliska, waxaana ugu dambeyn laga doonayaa inay ka guuraan 20-ka bishaan.
Waa toddobaad kale, waxaana qoraalkaan lagu cadeeyey in halkaas laga dhisi doono xero buuxisa baahida loo qabo dabdemiska oo baahi weyn ay u qabaan dadka reer Muqdisho.
Sodoo kale
Qoraalka booliska Soomaaliya ka soo baxay waa kii 3-aad, waxayna reeraha degan xeradaas si cad u diideen inay ka guuraan dhulkaas ay ku noolaayeen in ka badan 30 sano oo dowladnimada Soomaaliya ay burbursaneed.
Qoysaska degan xeradii hore ee dabdemiska booliska Soomaaliya ee ka biyo diiday inay ka guuraan ayaa u badan beesha Sacad ee Habargidir, waxayna wacad ku mareen inay dagaalami doonaan hadii dowladdu isku daydo inay xoog ku barakiciso qoysaska degan Ex ‘Xero Dabdemis.’
Xafiiska Wararka Muqdisho