Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Cabdi Warsame ayaa Dalka Hindiya kaga qeybgalay Shirweeynaha Milano 2024.
Wararka ayaa sheegaya in shirkan ay ka qeybgaleen in ka badan 50 Doowladood waxaana la isku dhaafsadaa tababbarada iyo khibradaha Ciidanka Badda caalamka maadaama sanadihii la soo dhaafay ay soo badanayeen kooxaha Burcadbadeedka.
Sidoo kale Admiral Cabdi Warsame ayaa la kulmay dhigiisa dalka Hindiya oo ay ka wada hadleen iskaashiga Ciidamadda Badda Soomaaliya iyo Hindiya wada shaqeeyntooda.
.
Xafiiska Wararka muqdisho