Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeeed Jenaraal Sulub Axmed Firin ayaa xilkii looga qaaday Afhayeenkii ciidanka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe.
Taliye Sulub ayaa u magacaabay Afhayeenka cusub ee Booliiska Soomaaliya Gaashaanle sare Qaasim Axmed Rooble oo horay usoo qabtay xilkaan.
Shirjaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Afhayeenkii hore Sadiiq Doodishe iyo afhayeenka cusub Qaasim Axmed Rooble ayay ku shaaciyeen inay ku kala wareegeen xafiiska.
“Shaqadii afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaan hadda si rasmi ah ugu wareejiyey taliyaheyga Gaashaanle sare Qaasim Axmed Rooble, xafiiska Afhayeenka oo muddo aan ku soo shaqeynayey waxaan galabta ku wareejiyey Gaashaanle sare Qaasim Axmed Rooble” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.
Sidoo kale Afhayeenka cusub ee Booliska Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Sadiiq Doodishe shaqadii uu soo qabtay mudada uu xafiiska joogay, isagoona balan qaaday inuu si wanagsan ugu adeegi doono qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Muqdisho